Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ruto oo weli ku adkeysanaya inuu ciidamo u diro Haiti


Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sheegay in dowladdiisu ay racfaan ka qaadaneyso go’aan toddobaadkii la soo dhaafay ay maxkamad Kenyan ah ku diiday qorshe ay Kenya ciidamo boolis ah ugu direyso dalka Haiti.

Ruto ayaa ballan qaaday sanadkii la soo dhaafay in Kenya ay hoggaamineyso ciidamo caalami ah, oo dowladda Haiti ka caawiya la-dagaalanka kooxaha burcadd ah ee hubeysan ee qalqalka ku haya ammaanka dalkaas ku yaalla Jasiiradaha Karibiyaanka.

Laakiin sharciyaqaanada Kenya ayaa naqdiyay awoodda uu Ruto u leeyahay ballan-qaadka noocaas ah.

Madaxa xafiiska VOA-da ee Nairobi Mariama Diallo ayaa warbixintan soo dirtay. Xuseen Barre Aaden ayaa soo jeedinaya.

Ruto oo weli ku adkeysanaya inuu ciidamo u diro Haiti
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:43 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG